Marxuumaddu waxay ku jirtay xilligeedii dhalmada, waxaana baaritaanada caafimaad lagu ogaaday in ilmaha caloosheeda ku jiray uu geeriyooday, taasoo keentay in qaliin degdeg ah lagu sameeyo.
Kiiska waxaa lagu soo oogay laba askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala ah Dable Xoogga Maxamed Muxudiin Cali iyo Dable Xoogga Cabdisalaan Xuseen Maxamed.
Ka hor qaliinka, marxuumadda waxaa la geeyay isbitaalo kala duwan kuwaas oo dhamaantood isku raacay hal natiijo ah in ilmaha caloosha ku jira uu dhintay, laga maarmaana ay tahay qaliin degdeg ah in lagu sameeyo, Eedeysanayaashu waxay dib ula noqdeen Isbitaalka Digfeer, iyagoo codsaday in adeegga caafimaad loo fidiyo si bilaash ah, maadaama aysan awoodin qarashka.
Sida uu qabo habraaca caafimaad iyo sharciga caafimaadka, isbitaalka waxaa laga rabay inuu helo oggolaansho sharci ah oo ka yimaada ehelka rasmiga ah ee bukaanka, gaar ahaan marka bukaanku yahay xaamilo, Hase yeeshee, eedeysanayaashu waxay saxiixeen oggolaanshaha iyagoo aan xaq u lahayn, taasoo dhalisay dacwadan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilaabay baaritaan rasmi ah oo qaatay waqti dheer, wuxuuna codsaday qaadista kiiska 20-kii bishan (Sebtembar 2025).
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo si qoto dheer u dhageysatay dhamaan dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn go’aamisay In la siiyo xoriyadooda labada Dable kadib markii la waayay caddeymo muujinaya in falalkooda ay ahaayeen kuwa ula kac ah ama danbiyeed, iyadoo lagu tixgeliyay in falalkooda ay ku timid xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo ah.



