Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Maanta magaalada Palmyra ee dalka Syria, laba askari oo ka tirsan Ciidanka Mareykanka iyo hal turjubaan Mareykan ah oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen.
Weerarka ayaa dhacay xilli askartaasi ay ku jireen kulan ay la lahaayeen hoggaamiyeyaal maxalli ah, taas oo qeyb ka ahayd howlgallo lagu taageerayo la-dagaallanka DaaC1Sh iyo argagixisada ee gobolkaas.
Magacyada askarta la dilay iyo xogta cutubyada ay ka tirsanaayeen lama shaacin doono ilaa ay ka dhammaato ogeysiinta ehelada, oo la qorsheeyay in la wargaliyo 24 saacadood kaddib.
Weerarkan ayaa haatan ku jira baaritaan rasmi ah.






