Askari dilal u geestay Ciidan kalle oo gacanta lagu soo dhigay.

0
40

Jimco 25 July 2025 {HMC} Ciidamada amaanka maamulka Puntaland , ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa ciidanka maamulkaasi oo subaxnimadii Khamiista magaalada Garowe ku dilay saddex askari oo katirsanaa dowladda hoose ee Garawe, halka afar qof oo kalana dhaawac u geestay.

Askariga ayaa falkan toogashada ah geestay kaddib markii laga soo xiray mooto uu lahaa, waxa uuna falka marka uu geestay kaddib horey usii qaatay qoray uu lahaa mid kamid ah askartii uu dilay iyo gaari uu qof shacab ah kala degay.

Taliska ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan qeybta Booliska gobolka Nugaal, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdiraxmaan Maxamed Ali , kaa oo dil aad looga argagay ka geestay Garowe kana baxsaday falka kaddib laamaha amaanka.

Howlgalka lagu soo qabtay askarigan ayaana qaatay saacado badan, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in eedeysanaha si deg deg ah loo horgeyn doono maxkamadda ciidamada iyo dambiyadda culus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here