spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Baladweyne.

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Baladweyne.

0
140

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} – Dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne sida ay goobjoogayaal Hiiraanweyn u sheegeen.

Allaha u naxariistee Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan baroow, waxaana dil ka dib meydkiisa la geeyay isbitaalka guud ee Baladweyne.

Lama oga cida ka danbeysay dilka Askariga waloow ay warar kala duwan ka soo baxayaan, mana jirto wax faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Baladweyne.

Dilalka ay geystaan kooxaha hubeysan ayaa mesha ka baxay intii ay Baladweyne maamulayeen Ciidamada Deegaanka ama Macwisley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here