Sabdi 13 September , 2025 {HMC} Askartii ku dhaawacantay Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la keenay Magaalada Muqdisho si ay u helaan daryeelka Caafimaad ay u baahan yihiin.
Ciidamadaan waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan, waxaana la dhigay goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Xoogga oo lagu daweeyo Askarta dhaawacyada kasoo gaara dagaallada ay galaan.
Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid yihiin saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka ayaa xalay booqday goobaha Caafimaadka ee lagu daweynayo Askartaan, waxa ay alle uga baryeen in uu caafimaad siiyo, waxa ay u muujiyeen garab istaag.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo faah-faahin ka bixisay dagaalkii ka dhacay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud waxa ay sheegtay in ay uga dhinteen 6 askari halka dhaawac uu soo gaaray 14 kale sida ay hadalka u dhigtay.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta booqdaan dhaawacyadaas, waxaana agagaarka Isbitaalka Xoogga saaka lagu arkayay gaadiidka Madaxtooyada iyo ciidanka gaarka u ah ilaalada Madaxda Dowladda.



