Sabti 06, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan, oo ku guuleystay Abaalmarinta Garsooraha Ugu Fiican Afrika ee Sanadka 2025, oo ay guddoonsiiyeen Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) taasoo uu ku helay shaqadiisa hufan, kartidiisa joogtada ah iyo sumcadda uu u soo hoyiyay dalkeenna.
Garsoore Cartan, oo ka mid ah shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee magaca iyo maamuuska leh oo ku guuleystay Abaalmarin heer caalami, ayaa safarkiisa Jubaland ujeedkiisu yahay kor u qaadista Khibradda, Tayada iyo Heerka Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland, isaga oo la wadaagaya tababaro, waayo-aragnimo iyo talooyin xirfadeed oo lagu horumarinayo hannaanka garsoorka ciyaaraha.
Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa garsooraha ku bogaadiyay guusha uu ka gaaray heerka Qaaradda, isagoo xusay in dedaalkiisa iyo anshaxiisa uu astaan wanaagsan u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku hamineysa guulo caalami ah.






