Axad 23, Nov 2025 {HMC} Baarlamaanka dalka Burkina Faso ayaa maanta ansixiyay heshiiska iskaashiga nukliyeerka oo ay Burkina Faso la gashay Ruushka, kaas oo siinaya qaab sharciyeed in Ruushka uu gudaha dalkaa ka dhiso warshado tamarta nukliyeerka, la wadaagida xirfadaha iyo tababbar ay Ruushka ka helayaan khubarada reer Burkina Faso.
Heshiiskan wuxuu ku koobanyahay tamarta laga dhaliyo nukliyeerka oo door ka qaadanaysa horumarinta warshadaha , laakin ma aha nukliyeerka hubka , balse lagama tagi karo in halkan ay tahay meesha ay ka dhalato dalalku inay ku hamiyaan hub nukliyeer ah.



