Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta qaaday tallaabo gogol xaar u ah doorasho qof iyo cod ah

0
80

Isniin 11- Nov-2024 {HMC}  Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa qaaday tallaabo gogol xaar u ah doorasho qof iyo cod ah.

Xildhibaannada ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda Hindise Sharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga KMG ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga.

Habraacan waxaa xildhibaannada labada Aqal maanta horgeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya , waxaana habraacan golaha la horgeeyay oggolaatay 170-Xildhibaan, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Tallaabadan maanta qaadeen xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa gogol xaar u ah doorashooyinka qof iyo cod ay rabto xukuumadda Soomaaliya , taa oo ay si weyn u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here