spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta waqti dheeraad ah geliyay ka doodista Dastuurka Dalka

0
12

Talaado 10 Feb 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa Xildhibaannada xaadiray kulankooda wadajirka ah u sheegay in waqti dheeraad ah ay sii shaqayn doonnaan.

Aadan Madoobe ayaa Xildhibaannada u sheegay in maanta aanay bannaanka loo aadi doonnin qado isla markaana xaruntooda loogu keenayo si loosii gudagabo fadhiga oo qaadanaya waqti ka badan saacadihii uu horay qaadan jiran.

Sababta uu Guddoonka Baarlamaanka u qaatay waxa uu Guddoomiye Aadan Madoobe sheegay in ay tahay waqtiga oo isguraya, Howsha Dastuurkana u furan tahay maadaama uu ay sugayaaan 20 Milyan oo Soomaali ah sida uu hadalka u dhigay.

“20 Milyan oo Soomaali ah ayaa na sugeysaa, culeys weyn ayaa na saaran, Dastuurka aan dhammeystirno, marka salaadda lasoo tukado lasoo noqdo, maanta laga billaabo waxa aan u samaynaynaa Qado shaqo, waqtiga wuu nagu yar yahay oo waad ogtihiin Soon ayaa soo dhaw” Sidaasi waxaa yiri, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe iyo Abshirow yaa ku guuleystay Shir guddoominta Baarlamaanka?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Madoobe ayaa 2 jeer ku guuldaraystay in si xasiloon uu Baarlamaanka u galo Doodda wax ka badalka dastuurka ee cutubyada 4aad ilaa 9aad ee Dastuurka KMG ee Dalka.

Halka Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ku simaha Guddoomiyaha ah suuragalay labadii kulan u dambeeyay in Xildhibaannadu ka doodaan wax ka badalka Dastuurka dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa ka maqnaa 47 Xildhibaan oo Guddoonka u diiday ka qaybgalka dhowr kulan kaddib markii lagu eedeeyay in ay sameeyeen rabshado uu ka furmi waayay kulamo xiriir ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here