Jimco 31, Oct 2025 {HMC} Barta bulshada TikTok ayaa mamnuucday akoonkii xiriirka la lahaa dagaal yahanka xooggaga gurmadka degdega ee Abu Lulu.
RSF ayaa soo dhigtay muuqaalka dagaal yahanka oo la xirayo, ka dib markii BBC Verify ay aqoonsatay inuu ahaa midkii masuulka ka ahaa dilka ugu yaraan 10 qof meel u dhow magaalada el-Fasher.
Tiktok ayaa sidoo kale u xaqiijiyay BBC Verify in muddadii u dambaysay uu akoonku diiwaan gelinayay dhaqdhaqaaqiisa, loona saaray inuu ku xadgubay sharciyada uga degsan bartaasi rabshadaha iyo hab dhaqamada dambiyada.
Ma cadda in Lulu uu gacanta ku hayo akoonka Tiktok ee magaciisu ku qornaa. Bogga akoonka ayaa hadda muujinaya qoraal sheegaya: ‘’Akoon la xannibay.’’
XIGASHO BBC






