Khamiis 14, Aug 2025 {HMC} Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa goordhaw faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal khasaare kala duwan geystay oo saakay aroornimadii hore ka dhacay xaafada Horseed ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka ay sameeyeen howlgal lagu xaqiijiyay amniga oo lagula dagaalamay hubka sharci darada ah ee lagu dhex haysto degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaa sidoo kale Warsaxafadeedka lagu sheegay in ciidamada amniga ay haatan si buuxdo gacanta ugu hayaan goobahii saakay dagaalka uu ka dhacay ee degmada Hodan.
“Ciidamada Amniga ayaa xasiliyay goobta, kana saaray maleeshiyaadkii hubaysnaa, iyagoo qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya.
Taliska ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale digniin adag u diray dadka ku howlan taageerada falalka lidiga ku ah amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Booliiska Soomaaliya ma sheegin khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii saakay ka dhacay degmada Hodan oo ahaa mid sababay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, iyadoo dagaalka uu ahaa mid ka dhashay shacab diiday in laga saaro garoonka Kooxda Horseed ee ciidanka oo ku yaala meel u dhow Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.



