Khamiis 12 Feb 2026 {HMC} Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Nin 37 jir ah oo heysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta isagoo loo heysto denbiyo la xiriira wax is daba marin.
Cige Naasir ayaa lagu qabtay Terminal 1A, isagoo ka yimid Australia, soona maray magaalada Johannesburg, wuxuuna saarnaa diyaaradda Kenya Airways ah.
Booliska Kenya wuxuu sheegay inay dabagal ku hayeen ninkan oo ku calaamadeysanaa digniin la xiriirta xakamaynta socdaalkiisa, taasoo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026, iyadoo lala xiriiriyay kiis ah inuu lacago badan ku helay si been abuur ah.
Markii lagu baaray Saldhigga Booliska ee JKIA, waxaa loo wareejiyay saraakiisha DCI si loo sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay weli socdaan baaritaanada lagu hayo.
Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaalama argagixisada, wuxuuna xarigiisa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka.







