Arbaco 5 Nov 2025 {HMC} Laamaha amniga Magaalada Johannesburg ee Dalka Koofur Africa ayaa badbaadiyay muwaadin soomaaliyeed oo la afduubtay.
Laba qof ayaa lagu xiray magaalada Johannesburg kadib markii sida la sheegay ay afduubteen muwaadin Soomaali ah oo ay ka dalbadeen lacag madax furasho ah oo dhan R1 milyan.
Dhibbanaha la afduubtay ayaa lagu guuleystay in laga soo badbaadiyo kooxdii Afduubka u haystay oo ku sugneyd Soweto, mana jirto wax madax furasho ah oo la bixiyay.



