Booliska Nairobia oo xiray wiil 17 jir Soomaali ah oo ku xadgudbay calanka Dalka Kenya.

0
30

Khamiis 25 Sep, 2025 {HMC} Booliska Kenya ayaa soo xiray Ibrahim Haidar Yusuf, oo 17 jir ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay calanka qaranka Kenya.

Dhacdadan ayaa ka dhacday garoonka Nyayo Stadium ee magaalada Nairobi maalmo ka hor, iyadoo si weyn uga caraysiisay qaybo ka mid ah shacabka Kenya ee isticmaala baraha bulshada.

Muuqaal ku baahay baraha bulshada ayaa muujinaya mid ka mid ah dhallinyaradaan oo la sheegay in ay Soomaali yihiin oo uu ku istaagayo calanka Kenya, taas oo loo arkay fal “xushmad darro ah” oo ka dhan ah sharafka calanka.

Sabtidii, kooxda kubadda cagta ee Booliska Kenya ayaa garoonka Nyayo kula ciyaartay kooxda Muqdisho City Club, ciyaar saaxiibtinimo oo ay soo agaasintay CAF.

Booliska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in falkaasi uu yahay sharci-darro islamarkaana si buuxda uga hor imaanaya qiyamka iyo karaamada ay dal ahaan Kenya leeyahay.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay wadaan dadaallo lagu soo qabanayo shaqsigii labaad ee ku lugta lahaa falkaas, iyadoo la aaminsan yahay inuu weli ku sugan yahay gudaha dalka Kenya.

Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa shalay si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay dhacdadan, isagoo xusay in aysan metelin xukuumadda ama shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, kooxda Muqdisho City Club ayaa sidoo kale muujisay naxdin iyo ka xumaansho ku aaddan falka dhalinyaradu sameeyeen, iyagoo sheegay in dhalinyaradaasi ay ahaayeen taageerayaal, balse ficilkooda aanu matalin kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here