Axad , 08 Feb 2026 {HMC} Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay baasaboor Ku siinayso Geella dalkaas ku nool oo kordhay sanadihii lasoo dhaafay iyada oo lagu qiyaasay in uu kor u dhaafayo in ka badan 2.3 Milyan oo Neef.
Waxaa la baariyay muuqaallo uu kasoo muuqday Baasaboor Cagaaran oo leh Calanka Dalkaas oo Geel midabkiisu dahabi yahay ku sawirran, waxaana loogu talagalay in loo jaro Geel weliba oo ku nool Boqortooyada Sacuudiga sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Deegaanka, Biyaha & Beeraha Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Baasaboorkaan uu fududaynayo in durba la ogaado Geella u diiwaangashan Dowladda ee sharciyaysan sidoo kale la xaqiijin karo tirakoobka guud.
Bixinta Dukumiintiga Baasaboorka ayaa lagu sheegay in dhan weliba laga hubinayo sida xogta Geella, waqtiga uu dhashay, Jinsiga, Midabka, Magaca reerka dhaqda ay u bixiyeen, goobta lagu bixiyay Baasaboorka iyo sawir laga qaadayo labada dhinac ee Geella.
Sida ay warrisay Arab News, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xoogga saartay in ay muujiso awooddeeda dhinaca dhaqashada Geella, waxa ay ka heshaa dhaqaale badan oo lagu qiyaasay in sannadkii ay xarayso in ka badan 2 Bilyan oo Riyaal oo u dhiganta $533,512,878.
Sacuudiga Waxa uu tartamo u qabtaa Geella iyada oo billado qaalli ah la guddoonsiiyo, waxa ay dhiirragelisay in Dadka leh ay si wanaagsan u dhaqdaan sida lagu muujiyay Warbixinno kala duwan oo Warbaahintu ka diyaarisay arrintaan.
Dalalka Carabta ee Geella dhaqda waxaa kaalinta Koowaad ku jirta Soomaaliya, waxaa ku xira Sacuudi Carabiya, Muritaaniya, Sacuudi Carabiya & Yemen.






