Buundada bariire ee AS ay qarxiyeen oo dib loo dhisayo.

0
38

Sabdi, 09 August 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in uu maamulkiisa ka shaqeynayo dib u dhiska Buundada Bariire oo muhiim u ah isu socodkeeda kaddib markii Ciidamada Federaalka & Kuwa AUSSOM ay ka qabsadeen AS.

Ibraahim Najax ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay dhinac socdaan fulinta adeegyada Bulshada muhiimka u ah, maamulkiisa ayuu tilmaamay in uu xoogga saarayo sidii loo heli lahaa waxyaabaha Dadka u baahan yihiin.

“Waxa aan u taaganahay in aan ka shaqeyno dib usoo celinta adeegyada Bulshada, waxaan dib u dhiseynaa Buuntada Bariire, Geesiyaasha Soomaaliyeed waxa aan ku bogaadineynaa in ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah AS” Ibraahim Najax, Guddoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Buundada Bariire waxaa qarax ku dumiyay ‘AS’ kaddib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka, markii uu cariiri galay isu socodka labada dhinac ee buundadaas waxaa korodhay halista laga muujinayo isticmaalkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here