Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa saaka ka taagan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii ciidamo ka tirsan Booliska Federaalka lagu soo daadiyay gudaha hoolka Golaha Shacabka, si ay uga hortagaan suurta galnimada xildhibaanada qaar inay carqaladeeyaan fadhiga maanta.
Ilo-wareedyo ku sugan gudaha Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyay in askar hubeysan ay si buuxda ula wareegeen ammaanka hoolka, ayna hor istaageen xildhibaano doonayay inay gaaraan minbarka hadalka.
Sida ay sheegeen xildhibaanada, askarta ayaa ku goodisay in ay rasaas adeegsan doonaan haddii xildhibaan isku dayo inuu hadal jeediyo oggolaansho la’aan.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu arkay banaanka hoolka Baarlamaanka, halkaas oo uu ka hagayay howlaha amniga, arrintaas oo ay mucaaradku ku tilmaameen mid lagu ilaalinayo dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii laga sugi lahaa badbaadinta madax-bannaanida Baarlamaanka.
Arrinta ugu walaaca badan ayaa ah eedeymo sheegaya in askar ka tirsan Booliska Federaalka ay jirdil u geysteen xildhibaanad ka tirsan Golaha Shacabka, taas oo noqoneysa dhacdadii labaad ee la soo wariyo ee haween xildhibaano ah lagu handado ama lagu waxyeelleeyo gudaha xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka, ayaa isaga oo ku sugan gudaha hoolka Baarlamaanka si toos ah uga hadlay xaaladda, isagoo sheegay in askar ka tirsan booliska ay ku hanjabeen inay ka qaadi doonaan taleefannada gacanta ee xildhibaanada.
“Ha beeninina haddii aad aragtaan askari mobile-kayga iga qaaday. Saaka iyo hoolka Baarlamaanka sidaas ayay Alle u qadaray, askartu waxayba leeyihiin mobile-da idinka qaadaynaa,” ayuu yiri Xildhibaan Sanyare oo muuqaal toos ah soo dhigay bartiisa Facebook.
Ciidamada booliska ayaa lagu soo daadiyay hoolka Baarlamaanka iyadoo maanta loo balansanaa fadhi wadajir ah oo ay lahaayeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo horey muran iyo buuq xooggan u hareeyay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha gadaal ayaan idinkaga soo tebin doonnaa.





