Musharax Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay sababta ay Dowladda Federaalka u dhisayso madaxweyne Firdhiye uu yahay inuu yahay xubin ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh.
Isagoo ka hadlayay arrimaha maamulka cusub, wuxuu xusay in cid kasta oo ka shaqaysa Waqooyi Bari ay diyaar u tahay wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, isla markaana uu waajib ka saaran yahay difaaco xuquuqda ay gobolladani ku leeyihiin dowladda dhexe.
Dhanka kale, Cabdirisaaq Khaliif ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay saxaafadda oo sheegayay in ololihiisa doorashada ay taageerayaan Somaliland iyo Puntland.
Wuxuu tilmaamay in lacag badan lagu bixiyay olole sumcad-dil ah oo ka dhan ah isaga, isagoo eedeynta dusha ka saaray kooxo uusan magacaabin oo dhaqaale ku bixiyay in la wiiqo taageeradiisa iyo sumcaddiisa siyaasadeed.



