Cabsi Laga qabo weerar dhinaca hawada ah oo ay Iiraan ku soo qaadi karto xeebaha Galbeedka Maraykanka.

0
18

Khamiis 12 March 2026 {HMC} Ciidamada FBI-da Dowladda Mareykanka ayaa ciidamada booliska ee gobolka California u dirtay digniin ku saabsan suurtagalnimada weerar dhinaca hawada ah oo ay Iran ku soo qaadi karto xeebaha Galbeedka Maraykanka.

Digniinta ayaa sheegaysa in Iran ay qorsheynayso in ay weerar lama filaan ah ku qaaddo iyadoo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo laga soo diraayo markab aan la sheegin meesha uu ku sugan yahay, oo ku dhow xeebaha Maraykanka.

FBI-da ayaa sidoo kale tilmaamtay in aysan jirin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan waqtiga, habka, ama goobaha weerarka la beegsanayo.

Digniinta ayaa la faafiyay dhammaadkii bisha Febraayo 2026, iyadoo laga digayo suurtagalnimada weerar degdeg ah oo dhinaca hawada ah.

Warbixintan ayaa muujineysa in la diyaarinayo feejignaan dheeri ah oo la xiriirta khataraha amni ee suurtagalka ah, iyadoo Iran ay marar badan ku andacootay inay adeegsan karto drones si ay uga falceliso weerarrada millatari ee Maraykanka.

Insha ABC News.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here