Isniin 15, Dec 2025 {HMC} Falcelinno badan ayaa ka dhalatay weerarkii shalay loo geystay bulshada Yahuudda ee ku dabaa-degeysay xeebta Bondi, magaalada Sydney ee dalka Australia.
Weerarkan ayaa lagula kacay bulshadaas oo xaflad ku dhiganayay xeebta, iyadoo booliisku ay sheegeen in nin iyo wiilkiisa ay falkan geysteen.
Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa ka mid ah dadka ka falceliyay, iyagoo walaac ka muujiyay cawaaqibta ka dhalan karta weerarkaas.
Dr Xuseen Xarakow oo ku nool magaalada Melbourne ahna guddoomiyaha jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay in bulshada Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ay dhib u keeni karto arrintan.
“Bulshada, gaar ahaan dumarka ayay dhib u keeni kartaa, maaddaama ay xijaaban yihiin, aad ayay u saameysaa, dumarka Soomaalida gaar ahaan oo xijaabka aad ugu dheggan ayay saameyneysaa, ragga wayba ka badbaadi karaan, laakiin dumarka meelaha dadweynaha isugu yimaadaan ayay kala kulmaan aflagaaddo mar walbuu weerar dhaco,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in haatan ay xaaladdu deggan tahay, balse ay ka baqayaan in booliisku tallaabo qaado.
Ciidamada booliiska ayaa tagaya meelaha macbadyada iyagoo indha indheyn ku sameynaya sida ay xaaladdu tahay.
Dhowr bulsho oo Muslim ah oo ku sugan dalka Australia ayaa sidoo kale soo saaray cambaareyn ku aaddan weerarkaas.
Golaha Qaran ee Imaamyada Australia, oo ah hay’ad matasha imaamyada iyo Muslimiinta dalka, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay sidatan “Iyadoo weerarkani uu beegsaday bulshada Yuhuudda, haddana dhab ahaantii waa weerar lagu soo qaaday dhammaanteen, oo ay ku jirto bulshada Muslimiinta. Ficilkan argagixiso ee rabshadaha wata wuxuu ka dhigan yahay weerar lagu soo qaaday dhammaan dadka reer Australia.”
“Naceybka Yuhuudda, oo lagu muujiyo nacayb, dhibaateyn, iyo rabshado loo geysto bulshada Yuhuudda, kuma haboona bulshadeena,” ayaa lagu yiri bayaanka muslimiinta.
“Waxaan ku boorrinaynaa bulshada iyo wakiillada inay la xiriiraan deriskooda, saaxiibadooda, iyo asxaabtooda Yuhuudda si ay u fidiyaan taageero inta lagu jiro xilligan adag.”
Isbahaysiga Muslimiinta Australia, oo ka kooban ururada Muslimiinta ee dalka oo dhan, ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in “kuwa mas’uulka ka ah waa in si buuxda loola xisaabtamaa lana mariyaa awoodda sharciga oo dhan”.
Raysal wasaaraha Australia ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu soo qaban qaabiyay shirka qaranka ee golaha wasiirrada si uu uga falceliyo “falka argagixisada iyo Yahuud-naceybka xalay ak dhacay Bondi”.
“Waxaan garab taagannahay Yahuudda Australia waxaana u taagannahay inaan kasoo horjeesanno nacaybka iyo rabshadda,” ayuu yiri Albanese oo qoraal soo dhigay X.
“Australia way ka awood badan tahay kuwa isku dayaya inay kala qeybiyaan waanan isugu imaan doonnaa tan annagoo wadajirna.”
Goor sii horreysay, Albanese ayaa ku dhawaaqay inuu dardar gelin doono in shuruux adag laga soo saaro hubka.



