spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Qabtay Burcadkii ugu badnaa ee dadka rayidka ah...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Qabtay Burcadkii ugu badnaa ee dadka rayidka ah dhac u gaysanayay.

0
24

Axad, 26,October 2025 {HMC} Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dadka rayidka ah dhac u gaysanaysay kuwaas oo loo gudbinayo Maxkamad.

Howlgalkaan oo si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir waxaa howlgalka kaddib lasoo bandhigay Ragga la qabtay ee dhaca gaysanayay oo qaarkood hubaysnaa iyo waxyaabihii ay dhaceen.

Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kooxaha dhaca ka gaysta Magaalada Muqdisho, waxa uu ku hanjabay in uu gacan adag ku qabanayo isla markaana la maxkamadayn doonno si loogu qaado ciqaabta dambiga ay gaysteen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday adkaynta amniga, waxa ay kordhisay goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka saaran, halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho laga sameeyay goobo lagu baaro Gawaarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here