spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka.

Ciidamada Amniga oo qabtay nin miino ku aasi rabay Marka.

0
20

Axad 1 March 2026 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Degmada Marka ayaa gacanta ku dhigay miino la doonayay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida magaalada, kadib howlgal ay si feejigan u fuliyeen.

Wararka laga helayo saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in miinada lagu qabtay nin lagu magacaabo Yuusuf Jeeri, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Marka.

Howlgalkan ayaa yimid kadib xog sirdoon oo tilmaamaysay in la qorsheynayay fal amni darro oo lagu qalqal gelinayo magaalada. Ciidamada ayaa si degdeg ah uga hortagay khatartaas, iyagoo miinadii ka saaray goobta si looga badbaadiyo shacabka waxyeello.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in baaritaan dheeraad ah lagu hayo eedeysanaha si loo ogaado cidda ka dambeysay qorshaha iyo haddii ay jiraan dad kale oo ku lug lahaa.

Degmada Marka ayaa kamid ah meelaha ay mararka qaar ka dhacaan falal amni darro, waxaana ciidamada ammaanka ay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here