spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidamada Ciraaq oo si rasmi ah Mareykanka kala wareegay Saldhiga weyn ee...

Ciidamada Ciraaq oo si rasmi ah Mareykanka kala wareegay Saldhiga weyn ee Al-ceyn

0
14

Axad 18 Jun 2026 {HMC} Ciidamada dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah uga baxay saldhigga weyn ee ciidamada cirka ee Al-ceyn Al-asad oo ku yaalla galbeedka dalka Ciraaq, iyaga oo gacan ku hayntiisa ku wareejiyay ciidamada dowladda federaalka Ciraaq.

Warkaan oo lagu baahiyay barta rasmiga ah ee Facebook ee Wasaaradda Gaashaandhigga Ciraaq, ayaa lagu sheegay in wareejintani ay qayb ka tahay heshiis laba geesood ah oo ay magaalada Washington ku kala saxeexdeen dowladaha Maraykanka iyo Ciraaq bishii Sebtembar ee sannadkii 2024.

Ka bixitaanka ciidanka Maraykanka ee Al-ceyn Al-asad ayaa ah qayb ah qorshe lagu dhimayo tirada ciidamada Maraykanka ee dalkaas ku sugan.

In kasta oo Maraykanku uu banneeyay saldhigga, haddana labada dal ayaa sii wadi doona iskaashiga dhinaca ammaanka, kaalinta Maraykanka ayaa hadda isku beddesay mid latashi iyo tababar ah, halkii ay markii hore si toos ah uga qayb qaadan jireen hawlgallada dagaal.

Ka bixitaankan ayaa yimid ka dib cadaadis ka yimid siyaasiyiinta iyo hoggaanka militariga Ciraaq, kuwaas oo dalbanayay in dalka laga saaro qiyaastii 2,500 oo askari oo Maraykan ah oo ku kala baahsan saldhigyo dhowr ah.

Horaantii sannadkii 2024, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mohammed Shia al-Sudani, ayaa ku dhawaaqay dhismaha guddi ka shaqeeya sidii loo soo afjari lahaa joogitaanka ciidamada isbahaysiga caalamiga ah ee dalka Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here