Axad 22 Feb 2026 {HMC} Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa kusoo Biiray Howlgalka ka biloowday Gobolka Hiiraan kaasi oo deegaanada ka tirsan Gobolka Looga Saarayo Kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa Si Gaar ah oo Howlgal ugu Sameeyay 24-kii Saac ee lasoo dhaafay deegaanada kala ah. Isgoyska Cusmaan Indhoole, Qoryo-qaad,Ganarubad,Ina Baale,Cadiimo, Hamiino, Lixley oo dhamaantood Hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Howlgalkan waxaa Wado Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 163-aad iyo cutubyo ka tirsan Qaybta 27-aad, ayaa maanta si guul leh u gaaray deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab sida ay sheekeyn Saraakiisha Ciidamadan wado.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la xoreeyo deegaannada ay Al-shabaab ay kaga Sugan yahiin Maxaas iyo Moqokori ay kamid yahiin ., laguna soo celiyo maamul iyo amni buuxa oo ay si wadajir ah u sugaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shacabka deegaanka.
Taliska Kumaandooska Danab ayaa u mahadceliyay shacabka degmada Maxaas ee la shaqeeyay ciidamada, kuna dhiirrigeliyay inay sii wadaan garab istaagga ay la garab taagan yihiin ciidankooda qaranka. Ciidanka Kumaandooska Danab waxay mar kale caddeynayaan in ay ka go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.






