Arbaco 11 March 2026 {HMC} Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, Ciidanka ayaa dhowr jid ka galay Deegaankaan oo ah mid muhiim u ah howlgalladooda.
Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay dagaalameen xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo isku dayay in ay iska caabbin kala hortagaan ciidamadaan balse ugu dambayn isaga baxay deegaanka Xawaadleey.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay sawirrada Deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana socda howlgallo ay ciidamadu ku sheegeen in ay ku raadjoogaan ‘AS’ oo duleedka Deegaankaas u baxay.
Xawaadley waxa ay gacanta ciidamada Dowladda uga baxday June 2025, waxaana deegaankaan uu Muqdisho u jiraa 50 Kiilomitir dhanka Waqooyi, waxa ay muhiim u tahay isu socodka Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad.



