Khamiis 5 March 2026 {HMC} Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Iiraan ayaa beeniyay in ay gantaal ku weerareen Turkiga, iyagoo ku adkeystay in ay inay ixtiraamayaan madaxbannaanida iyo darisnimada dalka Turkiga.
War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada Iiraan, laguna baahiyay warbaahinta dawladda ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin gantaal nooca ballistic-ga ah oo laga soo riday gudaha Iiraan, kaasi oo gaarey Turkiga.
Gantaalka ayaa la sheegay inuu soo maray hawada dalalka Suuriya iyo Ciraaq, iyadoo ay qabteen Nidaamka Difaaca hawada ee Gaashaanbuurta NATO.
Bayaan ay baahisay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaan lagu sheegay in ay ka hortageen gantaalkaasi, balse laguma xaqiijin in bartilmaameydka ahaa gudaha dalkaasi.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo xalay khudbad u jeediyay qaranka, ayaa sheegay in dalkiisu uu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah iyadoo lala tashanayo xulafada NATO.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli uu cirka isku sii shareerayo xiisadda ka taan gobolka Bariga Dhexe, iyadoo ay sii faafayaan iska horimaadyada u dhexeeya Iiraan, Maraykanka, iyo Israa’iil, taas oo walaac xooggan ku abuurtay amniga caalamiga ah.



