Axad 31, Aug 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay qaybo kamid ah Ismaamulka Mandheere kaddib markii ay kordheen falalka nabadgalyada liddiga ku ah ee lagu eedeynayo in ay ka dambeeyaan AS.
Saraakiisha Hay’adaha ammaanka Kenya oo kaashanaya kuwa Ismaamulka Mandheera ayaa beegsanaya goobo gaar ah oo ay ku tuhmayaan in ay kasoo weerar tagaan xubnaha katirsan ‘AS’ kana gudbaan marka ay wax afduubtaan.
Kenya waxa ay shaacisay in ay xoogga saarayso adkaynta amniga Ismaamulka Mandheera oo maalmihii lasoo dhaafay laga diiwaangeliyay dhacdooyin kahor imaanaya xasiloonida isla markaana walaac ku abuuray Bulshada.
Kooxo hubaysan ayaa Jimcihii afduubtay mid kamid ah Gawaarida Dowladda Hoose ee Mandheera, wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa dhacay kulamo looga hadlay sidii looga hortagi lahaa falkaas loona qaban lahaa kooxahaas.






