Sabti 13, Dec 2025 {HMC} Ururka 164-aad Guutada 16’aad Kumaandooska Danab ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgallo culus oo qorshaysan oo ka dhacay deegaannada *Daaru Salaam iyo Xagarey , kuwaas oo hoos yimaada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan oo lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta ah ayaa lagu gaarsiiyay jab culus oo ah kii ugu darnaa muddooyinkii u dambeeyay.
Xogaha sirdoonka ee la helay waxay xaqiijinayaan in cadawgu uu ku waayay tiro badan oo meyd ah iyo dhaawacyo culus, iyadoo ay si isdaba joog ah u kordhayaan khasaaraha Khawaarijta.
Ciidamada Danab Gaar Ahaan ururka 164-aad waxay muujiyeen geesinimo, xirfad iyo istaraatijiyad sare taasoo keentay in si buuxda loo jabiyo iska caabbintii cadawga.
Guushaan waxay astaan u tahay adkaysiga iyo hannaanka joogtada ah ee lagu sifeynayo dalka.
Taliska Danab wuxuu mar kale ku celinayaa go’aankiisa ah in uusan marnaba u dulqaadan doonin wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida dalka.
Howlgallada nadiifinta Khawaarijta ayaa sii socon doona ilaa laga xaqiijiyo amniga buuxa ee shacabka Soomaaliyeed.
Warka waxaa lagu baahiyay Warbaahinta Ciidanka DFS.






