Isniin 23 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisa ahaa xaqiijinta Amniga gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada AS.
Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Dhamme Maxamed Cumar Dufaan, ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan inta ay AS ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalladaan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.



