Khamiis, 29, Jan 2026 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd miinooyin iyo walxo qarxa oo ay As ku lahaayeen duleedka deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo dhawaan laga saaray maleeshiyaadka kooxdaas kaddib howlgallo isdaba-joog ah.
Howlgalkan oo ka mid ah hawlgallo amni oo horey u socday, kana dhashay xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo waxyaabo qarxa, kuwaas oo Khawaarijtu u adeegsan jirtay dhibaateynta shacabka iyo carqaladeynta amniga.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa sheegay in goobta laga helay miinooyin dhulka lagu aaso, walxo qarxa, iyo qalab kale oo loogu talagalay falal amni-darro ah, kuwaas oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo ciidamada iyo shacabka deegaanka.
Ciidamada Xoogga ayaa si buuxda u sugey aagga, iyagoo hubiyay in aanay jirin khatar kale oo ka iman karta walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin farsamo oo lagu burburinayo keydka miinooyinka.



