Sabti 28 March 2026 {HMC} Xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu arkay ciidamo aad u hubeysan, intooda badanna wajiyada qarsaday, kuwaas oo si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Dadka ku nool magaalada ayaa sheegay in ciidamadan lagu arkayo inta badan xaafadaha, iyagoo wata gaadiid dagaal isla markaana xiray qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gudaha magaalada.
Ciidamadan ayaa si gaar ah u adkeeyay ammaanka xarumaha dowladda, isgoysyada waaweyn iyo waddooyinka gala madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo mararka qaar dadka rayidka ah lagu amrayo inay ka leexdaan waddooyin ay hore u mari jireen.
Ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya howlgalka ciidamadan weli si cad looma shaacin. Si kastaba, warar kala duwan ayaa tilmaamaya in arrintan ay la xiriiri karto qorshe doorasho oo uu wado Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed.
Warar kale ayaa sheegaya in maamulka Laftagareen uu wajahayo culays dhinaca amniga ah, taasoo sababtay in la kordhiyo ciidamada si loo xoojiyo ammaanka guud ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan xilli ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed.
Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda duleedka Baydhabo, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulka, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin awooddooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ka baqaya in isku dhac ciidan uu ka dhaco Baydhabo, maadaama xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada



