spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidan loo diyaariyey la dagaalanka AS oo lagu soo bandhigay Degaanka...

Ciidan loo diyaariyey la dagaalanka AS oo lagu soo bandhigay Degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool

0
217

Khamiis , October -26- 2023-{HMC} –  Maamulka Koonfur Galbeedka ayaa maanta degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigey ciidanka dadka deegaan ah oo ka qeyb galaya dagaalka AS sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Mudane Xasan Maxamed Xasan indho iyo Odayaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay Deegaanada, Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shacabka degaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Wajiga 2 aad ee Ciribtirka Kooxda Argagaxisada AS oo ka socda deegaanada Koofur Galbeedka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo AS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here