spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka Afgambiga ku qabsaday Guinea-Bissau oo War soo saaray.

Ciidanka Afgambiga ku qabsaday Guinea-Bissau oo War soo saaray.

0
46

Arbaco 26, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Guinea-Bissau Umaro Sissoco Embaló ayaa waxaa xiray kooxo hubeysan maalmo un kadib doorasho muran badan dhalisay oo mucaaradka loo diiday inay ka qeyb galaan.

Ilaa hadda ma cadda cidda masuulka ka ah xarigga.

Rasaas ayaa ka dhacaysay caasimadda iyadoo Embaló iyo ninka ka soo horjeeda ee Fernando Dias ay sheegeen inay guul gaareen.

Sidoo kale, rasaas ayaa Arbacadii ka dhacday meel ku dhow xarunta guddiga doorashada ee Guinea-Bissau, waxayna ahayd maalin ka hor markaas oo la filayay in lagu dhawaaqo natiijada.

Dalka galbeedka Afrika ku yaala ee taariikhda kacaanka leh ayaa Axaddii waxaa ka dhacday doorasho madaxtinimo iyo mid baarlamaan.

Tartankan ayaa waxaa isaga hor yimid madaxweynaha xilka haya Umaro Sissoco Embalo iyo ninka la tartamayay ee Fernando Dias, iyadoo labada dhinacba ay guul ka sheegteen wareegii koowaad horaantii todobaadkan.

Ilaa hadda ma cadda cidda ku lug lahayd toogashada, waxaana goob joog ka ahaa wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters iyo laba kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Afhayeenka Embalo oom la yiraahdo Antonio Yaya Seidy ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dabley aan la aqoonsan ay weerareen guddiga doorashada si ay uga hortagaan ku dhawaaqista natiijada cod bixinta.

Waxa uu sheegay in dadkaasi ay xiriir la lahaayeen Dias, isagoo aan soo bandhigin cadeymo. Afhayeen u hadlay Dias oo wax laga weydiiyey ayaan ka jawaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here