Axad, 26,October 2025 {HMC} Ciidamada Badda Kenya ayaa oo helay xog la xiriirta Doon waday Daroogo oo ku sugnayd Badweynta Hindiya ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan, Doontaan ayaa soo qabashadeeda qaadatay waqti sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Dalkaas.
Daroogada la qabtay ayaa qiimaheeda lagu sheegay in ay tahay 8.2 Bilyan oo Shilinka Kenya oo u dhiganta $63,467, waxaa ku socda baaris la xiriirta halka laga keenay, meesha ay sida gaarka ah ugu socotay iyo cidda leh mas’uuliyadda fal dambiyeedkaan.
Sarreeye Gaas Sankale Kiswaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Kenya ayaa sheegay in ay waqti ku qaadatay soo qabashada Doontaan oo ay ku raad-joogeen qiyaastii 630 Kiilomitir bariga Magaalada Xeebta leh ee Mombasa.
Maxamed Amiin oo ah Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista ee DCI ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doonno Doonta iyo Dadkii ku lugta lahaa waa marka lasoo gabagabeeyo baarista ay wadaan iyo diyaarinta Gal-dacwadeedka Xafiiska Xeer Ilaalinta kenya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan 6 ruux oo la filayo in berri oo Isniin ah lasoo taagi doonno Maxkamad inkasta oo aanay si dhab ah loo xaqiijin warkaan maadaama baaritaanka lagu wado waqti kale qaadan karo.






