spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

0
17

isniin 19-Jun 2026 {HMC} Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tillaabooyin lagu adkeynayo amniga Muqdisho, ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalada rag dhac u geysaya shacabka

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka booliiska ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Adan, oo ku eedaysan dhac is xig-xiga oo uu ka gaystay dhowr degmo oo ka mid ah Caasimadda.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo.

Sidoo kale, taliska Booliiska ayaa mamnuucay in askari hubaysan uu isticmaalo mooto fekon.

“Gudaha caasimadda lama oggola in askari hubaysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ka dhaga adeega awaamirta hay’addaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Amniga Magaalada Muqdisho ayaa aad wanaagsan maalmihii la soo dhaafay, marka laga reebo falalka dhaca ee ay geystaan rag hubeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here