Sabti 28-June 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaasi oo si xeeladaysan loo abaabulay ayaa Ciidanku ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al shsbaab , iyagoo sidoo kale helay hub kala duwan oo ay cadowgu u adeegsan jireen falal amni darro iyo mooto ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale caddeeyay doorkooda muuqda ee difaaca shacabka iyo la dagaallanka kooxaha Al shabaab iyagoo si geesinimo leh uga hortagaya khataraha ka imaanaya cadowga gudaha.




