Ciidanka DFS oo qaaday howlgallo lagu burburinaayo goobo Fariisimo u ahaa AS.

0
31

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu burburiyey goobaha fariisimaha u ahaan Kooxda Al shabaab ka fuliyey tuulooyin hoos yimaada Degaanka Baladul aamiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ka dhacay degaanka Baladul aamin iyo tuulooyinka kala nuur Dhicisow,Beerta Shariif Muqtaar iyo Beerta Shacab dile ayaa waxaa fuliyey cutubyo ka tirsan Ciidanka XDS,

Ciidamada oo si xeeladeysan u beegsaday goobaha ay Al shabaab ku dhuumaleysanayeen iyo Baraha lagu dhibaateeyo Dadka Shacabka miinooyinka ay ugu tala galeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka Soomaaliyeed sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ururka 251 ee Guutada 25 aad ee Qeybta 27 Aad Ciidanka Dhulka XDS Dhal dheere , ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyey goobihii Gabaadka u ahaa Al shabaab
Taliyuhu waxa uu xusay in howlgalada ay sii socon doonaan, ilaa laga xaqiijinayo badbaadada shacabka iyo xoraynta dhammaan deegaannada ay Al shabaab isku dayaan in ay kaga dhuuntaan ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here