Talaado 12, Aug 2025 {HMC} Hoos Ka Aqri Warbixinta Dowladda
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Darusalaam ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Intii uu howlgalka socday, waxaa la burburiyey goobo ay Khawaarijtu gabaad ka dhigteen, kuwaas oo ay ka soo abaabuli jireen falalka ay shacabka Soomaaliyeed ku dhibaan.
Taliyaha Ururka 195-aad, Dhamme Maxamed Cumar Duufaan, ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo si gaar ah loogu qaaday tallaabo looga hortagayo dhagarta iyo dhibaatada Khawaarijtu shacabka u hayaan.







