Ciidanka Dowladda oo la wareegay Deegaanka Daaynuunaay ee Duleedka Baydhabo.

0
14

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Al-shabaab ku jabisay dagaal maanta ka dhacay agagaarka Daynuunaay ee gobolka Bay, sida lagu xusay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.Somalia political commentary.

Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in dagaalkaas lagu dilay 21 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana lagu dhaawacay in ka badan 10 xubnood.

Sidoo kale dowladda Federaalka waxay sheegtay in ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta deegaanka Daynuunaay, oo ah marin muhiim ah oo isku xira waddada Baydhabo iyo Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa qarka u saaran in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here