Jimco, 28 Nov 2025 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa maanta fadeexad kala kulmay iskuday ay ku doonayeen inay 3 qof ka soo afduubaan magaalada Beit Jinn oo 60 km u jirta caasimadda Suuriya ee Dimishiq , kaddib markii askarta Israa’iil oo watay gaadiid gaashaaman oo gudaha u galay Beit Jinn ay iska caabin kala kulmeen dadka deegaanka ,
waxayna ku dhawaadeen askarta Israa’iil inay gacanta u galaan dadka deegaanka oo hubeysnaa kuwaasoo gubay labo gaari oo ay wateen ciidanka Israa’iil, taa oo dhalisay inay Israa’l magaalada ku weerarto diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn oo duqeymo culus fuliyay , 13 qof oo dadka deegaanka ah ayaa duqeynta ku geeriyooday, halka Israa’iil ay sheegatay dhaawaca 6 askari.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth, ayaa sheegay inay Israa’iil ku guul darreysteen howlgalkaa oo ay gaari waayeen ciidanka Israa’iil, halkii ay doonayeen inay ka soo af duubaan saddex nin oo deegaanka ku sugnaa , waxayna ciidanka Israa’iil oo lagu haraareeyay magaaladaa ay ku badbaadeen duqeymaha diyaaradaha , iyagoo markii dambe isaga soo baxay , sida uu wargeysku sheegay.



