Jimco 2, Jan 2026 {HMC} Ciidanka Israa’iil ayaa si bareer ah u toogtay Wiil yar oo lagu magacaabo Yuusuf Axmed Al-Shandaghli oo ku sugnaa Xero Barakac oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Gaza gaar ahaan aagga Jabalia an-Nasla sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Xubno katirsan adeegayaasha Caafimaadka ayaa sheegay in Cunugga yar la geeyay Isbitaal si looga daweeyo dhaawaca kasoo gaaray rasaasta ay ku fureen ciidanka Yuhuudda balse ugu dambayn uu ku naf baxay goobtaas sida ay sheegeen.
Dadka deegaanka ee ku nool xeryaha Barakacayaasha ayaa sheegay in si joogta ah ay ciidanka Israa’iil ay u toogtaan Dadka rayidka ah xiliyada habeenkii haba ugu badnaadaanee, waxaa jira dad kale oo isla goobta ay ku beegsadeen.
Sanduuqa Taakulada Carruurta ee UNICEF ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha adag ay wajahayaan Falastiiniyiinta, Hay’addaan katirsan waaxyaha Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay in Israa’iil lagula xisaabtamo dhibaatooyinkaas ay u gaysanayso Carruurta.
Ciidanka Israa’iil oo ku jabay dagaallada tooska ah ee Magaalada Gaza ayaa duqaymo culus ku burburiyay Guryaha Rayidka, Goobaha Caafimaadka, Masaajidda iyo meel weliba oo astaan u ah Bulshada Magaaladaas, Dadka badbaaday ayaa ku nool guryo dheentooyin ah.






