spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka Itoobiya oo ku biiray dagaalka Gedo.

Ciidanka Itoobiya oo ku biiray dagaalka Gedo.

0
51

Isniin, 28 Jully 2025 {HMC}Wararka naga soo garaaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidamada Itoobiya ay toos ugu biireen dagaalka ka socdaan gobolkaasi ee u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee haatan ku wada sugan gobolkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay la safteen daraawiishda Jubaland, iyaga oo gelinkii dambe Axaddii weeraray xero ciidamada NISA ay ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka ciidamada Itoobiya oo ahaa madaafiic ayaa la sheegay inay ku gubeen saanad ciidan oo ay lahayd Hay’adda NISA, isla markaana taalay gudaha xerada uu dagaalka ka dhacay, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Sidoo kale waxaa dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dhinacyada ay is weedaarsadeen rasaas iyo madaafiic.

Waxaa kale oo weerakan ku dhaawacmay saraakiil ciidan oo ku sugnaa goobta, wallow aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkan oo sii hurinayo xiisadea ka taagan gobolka wuxuuna kusoo aadayaa, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA Mahad Salaad ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wadahadallo kula yeesheen madaxda dalka Itoobiya.

Wadahadallada ayaa waxaa lagu Soo qaaday arrinta Gedo, iyada oo wafdiga Madaxweyne Xasan ay Abiy kala hadleen qorshahooda ku aadan xaaladda gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here