Sabti 27,Dec 2025 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad, ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyey duleedka magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.
Howlgaladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Ceel-Cali Mire, Bulacle Xersi Fiin, iyo Miir-Dugle, kuwaas oo dhammaantood ku yaalla duleedka magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa intii uu socday howlgalku si buuxda isugu fidiyey dhammaan goobaha lagu fulinayey, iyagoo xaqiijinayey ammaanka guud ee deegaannadaasi.
Howlgaladan ay maanta sameeyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab Ururka 163-aad, ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Dhuusamareeb ay soo gaareen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, ammaanka guud ee caasimadda Galmudug ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo la qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo lagu sugayo nabadgelyada, si loo xaqiijiyo in masuuliyiinta iyo shacabka ku sugan magaalada ay ku noolaadaan jawi amni oo deggan.






