Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Wafdi sare oo ka tirsan Ciidanka Masar oo maalmihii la soo dhaafey ku sugnaa gudaha dalka ayaa soo gaba gabeeyay xog aruurin ay wadeen, iyagoo tagey qaar kamid ah goobaha la geyn doono Ciidanka dalkaasi ee qeybta ka noqon doona Howlgalka Nabad Ilaalinta ee AUSSOM.
Xubnaha Saraakiisha waxaa ay booqdeen magaalooyinka Jowhar, Balcad, Mahadaay, Buurane, iyo saldhigga ciidamada cirka ee Balli-doogle, halkaas oo ciidanka Masar ee ku biiraya howlgalka AUSSOM ay ku sugnaan doonaan.
Saraakiisha Masaarada ayaa kormeeray Saldhigyada magaalooyinkaasi, si ay u ogaadaan nolosha ka jirta iyo sida Ciidanka ula qabsan lahaayeen Cimilada iyo dabeecada.
Ciidamada ayaa qeyb ka noqon doono howlgalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka, iyagoo taageeri doono Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sagootiyay wafdigaasi Masaarida ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka dalkaasi, kaalinta ay ka qaadanayaan dagaalka AS.
Saraakiisha sare ee Masaarida ayaa muddo toddobaad ah ku sugnaa gudaha Soomaaliya, iyagoo la kulmay Madaxda iyo saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.



