Sabti , 15, Nov 2025 {HMC} Ciidanka milatariga Suudaan oo ay weheliyaan xoogagga hubeysan ee taageerra ayaa maanta la wareegay magaalada istaraatijiga ah ee Umm Dam Haj Ahmed oo ku taalla waqooyiga Kordofan, halkaa oo ay ka saareen ciidanka kooxda RSF.
Ciidanka milatariga Suudaan , waxay hadda u muuqdaan in bartilmaameedkeedu yahay magaalada istaraatiijiga ah ee Barah, si ay u xoojiyaan amniga magaalada El-Obeid, si loo xoojiyo difaacyada Khartoum iyo gobollada dhexe.






