spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Warshad Miino...

Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Warshad Miino oo AS lahayeen .

0
14

Axad  14 Feb 2026 {HMC}   War kasoo baxay Nabadsugidda Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidankaas ka fuliyeen inta u dhaxeysa Raaskaamboni iyo Badhaadhe kusoo qabteen 90 Miino oo qaarkood diyaarsan iyo warshaddii lagu samayn jiray.

Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howshaan soo qabashada walxaha qarka ay daba socotay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Maamulkaas iyo ‘AS’ oo isku dayay in ay difaacaan Warshaddaas.

Magaalada Xeebta leh ee Raaskaambooni waxaa la geeyay Maydadka xubno ay sheegeen Sirdoonka Jubbaland in ay katirsanaayeen ‘AS’ isla markaana lagu dilay howlgalkaas inta uu socday sida hadalka loo dhigay.

Wixii ka danbeeyay weerarkii ‘AS’ ay ku qaadday Saldhig Ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ku leeyihiin Magaalada Raaskaambooni waxaa kordhay howlgallada isugu jira Duqaymaha iyo kuwa Dhulka oo Ciidanka Federaalka ay qayb ka yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here