Arbaco 21-Jun 2026 {HMC}ย Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay wareegto madaxweyne oo hal sano oo dheeri ah loogu kordhinayo muddada ay ciidamada badda ee Turkiga ka hawlgalayaan Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya, Badda Carabta iyo deegaannada ku xeeran.
Ciidamada Turkiga ayaa ka qeyb qaadan doona xaqiijinta Amniga Badda Soomaaliya gaar ahaan sidii ay uga hortagi lahaayeen in hub ama qalab militeri gaaro AS iyo Daacish.
Sida ku cad wareegtada ka soo Baxday Madaxweyne Erdogan ee ay ansixiyeen Baarlamaanka, Ciidanka Turkiga ayaa ka shaqeyn doona ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee isticmaalaya biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.
Askarta Turkida ee ka tirsan NATO ayaa ilaa 2009 qeyb ka ah howlgallada lagu xaqiijinayo Amniga Soomaaliya gaar ahaan dhinaca badaha, iyadoo sannadkasta is badal iyo muddo kordhin loo sameeyo.
Sida ku xusan Amarka Madaxweyne Erdogan, mudada cusub ee joogista Ciidamada Turkiga ayaa ku eg bisha Febraayo ee sannadkii 2027.
Gacanka Cadmeed, oo u dhow dalka Yemen iyo marinka Bab al-Mandeb oo ah marinka afaraad ee ugu weyn caalamka ee ay marto saliidda ka timaado Bariga Dhexe.
Ciidamada Turkiga ayaa sii sugi doona Amniga Badda Soomaaliya, xilli dhawaan Israaโiil shaacisay in ay aqoonsatay Maamulka Gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, goโaankaasi oo ay si uga hor yimaadaan Dowladda Federaalka iyo dalalka Caalamka.



