Talaado, 9 Dec 2025 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ka fuliyeen tuulooyin u dhaxeeya deegaannada Towfiiq iyo Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay xubno ka tirsan AS iyo hub ay wateen.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in howlgalka intuu socday ay ciidamada gacanta ku dhigeen sarkaal lagu magacaabo Sakariye oo uu dhalay mid kamid ah hoggaamiyeyaasha AS.
Dhinaca kale, ciidamada Danab ayaa gacanta ku soo dhigay mooto ay AS u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale.
Ugu dambeyn, bayaanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgallada ay amniga ku xaqiijinayaan ee ay ka wadaan gobollada dalka.
Gobolka Shabeellada
Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgalka Duufaanta Aamusan oo ay qeyb howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Dowladda




