Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka oo fuliyay howlgal qorsheysan.

0
27

Isniin 24, Nov 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka, oo loo diyaariyay loona fuliyay si qorshaysan, ayaa lagu khaarijiyay horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, oo ahaa horjoogaha jabhadaha Khawaarijta ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kana mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo door ku lahaa isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka iyo qaraxyada ay Khawaarijtu ka fulin jireen gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna mar kale caddeynayaan in howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ay si joogto ah u socon doonaan illa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here