Khamiis 12 March 2026 {HMC} Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga gaar ahaan Kumaandoosta Danab ay howlgallo ka wadaan deegaannada hoos yimaada magaalada Jowhar ee Caasimadda Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Hirshabeelle.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in ay howlgalladan ka sameeyeen deegannada Jirirow, Cali Deer iyo Dabeeyley oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha ayaa xusay in howlgalka ujeedkiisa yahay sidii looga hortagi lahaa falalka amniga lidka ku ah gaar ahaan AS oo xilliyada qaar si qarsoodi ah ku yimaada deegaannada hoos yimaada Magaalada Jowhar.
Sidoo kale, Howlgalkan ayaa la tilmaamay inuu sii socon doono, isla markaasna ay ciidanka Danab si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada xubnaha ka tirsan AS ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalkan ay sameeyeen Ciidanka Danab ayaa ku soo aadaya xilli shalay ay Ciidamada Dowladda la wareegeen deegaanka Xawaadley oo isku xira magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.



